Dawladda Sucuudiga Oo Aqoonsatay Baasaaboorka Somaliland

Sucuudiga (HCTV) – Wargeyska Daily Sabah oo ka soo baxa Dalka Turkiga ayaa sheegay in Dagaalka dublamaasiyadeed ee Sucuudiga iyo Qadar ku dhex maraya Soomaaliya uu sababay in Sucuudigu uu aqoonsado Baasaaboorka Somaliland.

Wargeysku wuxuu sheegay in Qadar oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo Sucuudigu ay kor u qaadday kaalmadeeda Soomaaliya ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha, taa beddelkeedana uu Sucuudigu aqoonsaday Baasaaboorka Somaliland.

Sucuudiga iyo Qadar oo Dalal badan oo kale Diblumaasiyad ahaan ugu dagaalamay, ayaa Soomaaliyana noqotay goob kale oo ay saamayn ku yeesheen.

Soomaaliya, waxay ka soo doogtay dagaallo sokeeye, Faro-gelin Shisheeye, Masiibooyin Dabiici ah,Gaajo iyo Abaaro, sidaasi darteedna waxay u baahan tahay kaalmo dhaqaale, sidaasi darteed Qadar oo Dawladda dhexe taageeraysa ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhisayo Deked cusub oo laga dhisayo Hobyo, taasi oo ah goob muhiim ah.

Dekedda Hobyo ee la dhisayo ayaa aad ugu hadhow Marin-biyoodka Bab-el-Mandeb, kaasi oo isku socodka gaadiidka badda muhiim u ah, sida Wargeysku sheegay.

Daily Sabah waxa kale oo uu sheegay in bilowgii bishii la soo dhaafay ee June ay Soomaaliya diiday Lacag dhan 80 Million dollar ah oo Sucuudigu bixinteeda Shuruud kaga dhigay in Soomaaliya xidhiidhka u jarto Qadar, taasi oo aan Suurto-gelin.

Laakiin, Sucuudiga oo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada Qadar ee Soomaaliya iyo Dhawaaqii u dambeeyay ee ahaa Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo ayuu si rasmi ah u aqoonsaday Baasaaboorka Somaliland.” ayuu qoray Wargeysku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka