Somaliland Oo Beenisay In Puntland Idaacad Keentay Bariga Gobolka Sanaag

Hargeysa (HCTV) – Waxa Maalmihii u dambeeyay soo baxayey Warar sheegaya in Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay Idaacad ku rakibeen Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada London.

Idaacaddan oo Wararka sheegayaa soo badanayeen ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waydiiyeen waxay Xukuumad ahaan kala socdaan, waxaanu Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu sheegay in aanay maqal wax Idaacad ah oo Maamulka Puntland keenay bariga Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey waxa ka jira in Puntland keentay Idaacad Bariga Gobolka sanaag ayaa yidhi “Idaacaddaas maanaan maqal, haddii la idinku yidhina waynu dooni, welise annagu ma hayno..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka