Iran Oo Tijaabisay Gantaalo Cusub

Tehran, (HCTV) – Dalka Iran ayaa ganay gantaal cusub oo ay tijaabinayaan, sida uu sheegay Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran oo ay soo xigatay Wakaalada wararka ee dalkaasi ee Tasnim.

“Dalkeenu badanaa waa meel soo bandhigta tijaabada hanaan kala duwan oo difaaca ah iyo hanaanka istaraatajiyada, mana joojinayo talaabooyinka lagu kobcinayo awooda dalka,” sidaasi waxa yidhi Major General Hossein Salami, waxaanu intaasi ku daray “ Maalintii shalay waxay ahayd maalin guul u leh qaranka,” ayuu yidhi Generalku isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya tijaabada gantaalkaasi.

Maalintii khamiistii ayay ahayd markii Iran ay soo bandhigtay Gantaal ay ku qeexday inuu yahay nooca ridada dheer oo lagu sameeyey ama lagu dhisay gudaha dalka, kaas oo ah gantaal loogu talo galay hanaanka difaaca ee dalka.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ka baxay heshiis caalamiya oo Iran lagula galay Barnaamijkeeda Hubka Nuclear-ka inay hakiso taa badalkeedana cunaqabataynta laga qaado dalka Iran.

Waxaanay mudadii u dambaysay labada dal ee Iran iyo Maraykanku ay isdhaafsanayeen hanjabaado tiro badan, waxaanay caalada labada dal ay cirka isku shareertay markii Iran ay soo riday diyaarad drone ah oo nooca wax basaasta ah oo lala beegsaday hantaal bishii June.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.