Khilaafka Badda: Somalia Oo Diiday Dalab Uga Yimid Midawga Afrika

Muqdisho, (HCTV) – Dalka Somalia ayaa diiday dalab uga yimid guddi ka socday Midowga Afrika oo codsaday inay dhageystaan muranka la xidhiidha badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

Wasaaradda Khaarajiga Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dacwada kiiskan ku saabsan ay hor taalo maxkamada Cadaallada ee ICJ, isla markaana aanay jirin sabab ay ku soo dhexgalaan guddidan ka socota Midowga Afrika.

Maxkamada Cadaalada Adduunka ayaa la filayaa in 9-13 bisha September u fadhiisato dhageysiga wareegii labaad ee dacwada u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.

Wasaaradda Arimaha dibada Somalia ayaa sheegtay in halka ugu danbeeya ee lagu kala baxayo ay tahay Maxkamada, isla markaana aanay wax gorgortan ah ka gali doonin arintaasi.

Dawladda Kenya ayaa cadaadis dhinacyo badan ku saarayso Somalia inay ka laabato dacwada badda ee Maxkamada Taala, taa badalkeedana lagu dhameeyo wada-hadal.

Hase yeeshee dowladda Somalia ayaa taa badalkeeda si is daba joog uga adkeysaneysa in ay ku kalsoon tahay ugu danbeyntii go’aanka ay kiiskan ka gaadhto maxkamada ICJ ee qaadeysa dacwada labada wadan ee ku saabsan muranka badda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.