Taliye Taani Oo Sheegay In Saraakiishii U Goostay Puntland Aanay Waxba Ugu Filayn Somaliland

“Kuwaa Tagay Iyo Kuwo Kaleba Uma Baahna Qaranku Inay Iska Tagaan Ayaa Wanaagsan” Taliye Nuux Ismaaciil Taani

Hargeysa, (HCTV) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ka goostay Somaliland ay ahaayeen kuwo aan waxba ugu filayn Somaliland, isla markaana usoo xaadiri jiray uun inay qaataan Mushaharaad kaliya.

Taliye Nuux Ismaaciil Tani waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynayo inay ka baxaan Somaliland, maadama oo wali intaa ay ciidamadaasi joogeen aan wax hawlgal ah oo qarankani leeyahay aanay kala qaybqaadan.

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas, Nuux Ismaacil Taani isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wali intaa ay joogeen wax hawl ah oo hawlgaladaa ka socda wadanka waxba kamay fulin, xataa tii doorashooyinka wax nafle kamay qaban halkooda ayuunbaynu ku masruufaynay, ciidankii ma raacin balse waxa tagay badiyaa saraakiishii hogaaminaysay waxa halkaa ka muuqatay mudadii ay nala joogeenba khiyaamo uun inay ku socdeen, ninku hadii aanu waajibkii fulin karayn inuu lacag qaato maaha inuu sii joogana maaha.

Waxaan leenahay waanu la saayirnay intaas oo dhan ayaanu ku eegaynay waanu la saayiray, kuwaa tagay iyo kuwo kaleba uma baahna qaranku inay iska tagaan ayaa wanaagsan, waanan ku faraxsanahay inay iska tageen, maxaa yeelay qaranka waxaan kharash ahayn oo ay ula fadhiyaan ma jiro, lacag bilaash ah oo cashuurta dadka laga ururiyey ah oo ay bilaash ku qaataan ayuunbay qaataan wax inooga soo noqday oo ay noo fuliyaana ma jiro markaa dadka caynkaas ah inay ka tagaan oo markii horeba ay odayaal yidhaahdeen noo qarameeya dee laguma sii jiri karo,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland waxa uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland iyo cid kasta oo ka baxdaa ay dib ugu soo noqoto.

Markale taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland isagoo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Qofku haduu wanaag uun ku joogayo dee waan qaadan karnaa, laakiin qofkii oo dhiig-roor kugu ridaya oo kharash kaa qaadanaya hadana uu wax kale ku daro adeer wax la qaadan karo maaha, maalaha ay tagayaana Somaliland ayaa uga nafaqo badan, inkasta oo Somaliland ka tagaana wuu ku soo noqdaa.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo ka hadlayey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Badhan oo dhawaan u goostay dhinaca maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale  Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dambiile qaran ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo sidoo kale sheegay in Caarre uu dad badan oo ciidamo iyo dad shicib ahba isugu jira uu ku dilay gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo arinta kornaylkaasi hore uga tirsanaa ciidamadiisa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Caarre waxa uu ahaa Kornayl ka tirsan ciidamada, waanay ogyihiin ciidamadu waanay yaqaanaan, nin dhib badan oo dhibaato badan Sanaag ka gaystay inuu yahay.

Halkan, Miiskan Saraakiisha ee aad joogtaan ayuu ku xidhnaa isagoo afar nin loo haysto dilkood, ragbaa ololeeyey, ololeeyey oo ninka ha la sii daayo ayaa la yidhi, wali kiiskiisii sidiibuu u yaalaa oo maxkamadu u xayirtay, isagoo jooga ayaa hadana Abaanduule laga dhigay, halkaa markuu tagayna oo uu muddo joogayna waaka dhacay mushaharkii ciidanka ee dhexda u fadhiistay, hadana waaka tagay Puntland, dadka uu gacantiisa ku dilay ee gobolkaa Sanaag ka tirsana 10 qof kama yara haday ciidan tahay iyo haday shicib tahayba.

In la qisaaso bay ahayd si isagana dambiga Illaahay uga dhaafo oo dadkuu laayey loo qisaaso bay ahayd, laakiin in loo qaato geesi anigu waxaan u arkaa shakhsiyan inay tahay dambi ka u doodayaana haduu wax u tarayo dambigaa uu sameeyey ha laga jaree inuu ogolaado in laga jaro oo maxkamad la saaro, Waa dambiile Qaran oo waliba ku dhiiran oo isle geesibaad tahay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.