UK Oo Markabkii Saddexaad Ee Kuwa Dagaalka Ah U Dirtay Khaliijka Carabta

UK (HCTV) – Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa Markabkii dagaal ee Saddexaad u dirtay Khaliijka Carabta, si uu uga qayb-qaatay Difaaca Maraakiibta halkaa mara, ka dib markii Markab UK leedahay lagu qabsaday Marinka Hormuz.

Markabka saddexaad ee UK u dirtay Khaliijka Carabta ayaa waxa xaqiiyey Wasiirka Difaaca Ingiriiska, sida uu baahiyey Wargeyska The National oo HCTV soo xigtay.

Markabkan oo noociisu yahay 45 destroyer  HMS ayaa ka qayb-qaadanaya difaaca Maraakiibta isticmaala Marin-biyoodka Hormuz oo ku dhow Biyaha badda IRAN, kaasi oo ay dhowr jeer Ilaalada Kacaanka IRAN ka qafaasheen Maraakiib siday Shidaal, kuwaasi oo uu ka mid yahay Markab UK leedahay oo Shidaal siday.

Xiisadda u dhaxaysa Uk iyo IRAN ayaa wer-werkeedu sii kordhay markii Ciidammada Ilaalada Kacaanka ee IRAN qabsadeen Markabka Stena Impero oo laga leeyahay Dalka Sweden, balse sitay Calanka UK.

 Ilaalada Kacaanka IRAN ayaa xidhay Markabka iyo 23 Shaqaale ah oo la socday, kuwaasi oo Marinka Hormuz ka qabteen 20-kii bishii la soo dhaafay ee July, kaasi oo ay weli gacanka ku hayaan, taasi ayaana keentay in UK markabkii saddexaad u soo dirto Khaliijka Carabta si ay korka ugala socdaan Amniga Maraakiibta isticmaalaysa Marinka muhiimka ah ee Hormuz.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka