AKHRI: Kornayl Caarre Oo Ka Jawaabay Hadalkii Taliye Taani, Kuna Eedeeyey Burburinta Ciidanka Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga goostay ciidamada Somaliland ayaa ka jawaabay eedo uga yimid taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland oo ku eedeeyey Kornaylku inuu Dambiile Qaran Yahay.

Kornayl Siciid Cawil Caarre oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV ayaa sheegay in hadalka Nuux Taani uu u qaadanayo inaanu wadahadal doonayn oo uu isaguna dagaal u diyaargaroobayo, sida uu hadalka u dhigay Kornaylku.

Ugu horayna Kornayl Caarre oo ka jawaabaya ee maanta uga yimid Taliye Nuux Ismaaci Taani ayaa waxa uu yidhi “Hadalkaa [Taliyaha] waxaan u arkaa mid aanay waxba ka jirin, waxaan u arkaa naf weyday jano, markaan ka waramo Nuux Ismaaciil Taani, anigu waxaan ciidamada soo galay 1994, ciidamadii ugu horeeyey ayaan ahaa laba kuliyadood baan ka baxay mid akadamiya iyo mid staff college ah, intaaba ciidamada waan ku dhexjiray, dagaalkii lagu qaaday Ceel-bardaale, Hubka iyo Rasaastaba waxa laga qaadayey taliska guud baa laga qaadayey ninkii BKM-da dhiibay buu ahaa, markaan mid kale soo qaado dagaalkii ka dhacay area Koonfurta Laascaanood labada bilood ee isku dilaya labadaba isagaa siinjiray rasaasta, hadii gacan ku dhiigle la sheegayo gacan ku dhiigle Nuux Ismaaciil Taani baa ah, ninka qaranka Burburiyey ee ciidamada qaranka Burburiyey weeyi, ninka ciidamada Qaranka qabaa’ilka ka dhigay weeyi, waxa markhaati ku ah afkiisaa ku ah laba kun oo ciidamada qaranka ah ayaa ka baxay ciidamada Qaranka oo dawladd kale galay oo Puntland galay oo wuxuu ku leeyahay awalba ciidanku lacag bilaash ah ayuu iska qaadan jiray bilaash ah isaga ayaa siin jiray oo ku eegayey, taasi waxa ay muujinaysaa inuu isagu sheer la ah, intaasi waa intaa, cid kasta oo dhimata isagaa lacagtiisa qaata, taa waxa kuu cadaynaysa labada inan ee hareeraha ka fadhidaa waa reerkiisa, wuxuu fadhiisin lahaa raga ku darajada dhow ee qabaa’ilka kale ah, ilaa dagaalkii Ceel-Bardaale ilaa hada dagaal ayuu wadda, ” ayuu yidhi Kornayl Caarre.

Kornaylka mar la waydiiyey eedaha uu u jeediyey Taliyaha Ciidamada Qaranku ee ah in Caarre uu dilay 4 qof ayaa waxa uu ku jawaabay “Caqliga Saliimka ahi waxa uu ku siinayaa in nin eedaysane ah waa la magacaabaa, anigu dambiile maan ahayn, Gacan ku dhiigle maan ahayn maxkamadd ayaa isii daysay waana la imagacaabay, markaa maxay Maxkamadu ii sii daysay.

Waxa weeyi anigu ciidamaan watay, jidgoyn ayaa loo galay labadii ciidan ee jidgoynta isku galay dagaalbaa ka dhex dhacay, dagaalkii ka dhex dhacay geeri iyo dhaawacba wuu keenay, markaa anigu waxba ma gaysan gacantaydana gacantaydana wax kuma gaysan amarkana isaga ayaa soo bixiyey.

Arinta dilka waxba kama jiraan dadka Ceel-Afweyn yaalaa waa dadkaygii, waa halkii aan ka dhashay, waligay qof gacan bini’aadam wax uma gaysan, waxa weeyi isagaan ku duulanahay Nuux Ismaaciil Taani, Ceel-Afhayna dagaalka ka socda isaga iyo Ina Kaahin ayaa wada ,” ayuu yidhi Kornayl Caarre.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.