Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Taliyaha Ciidammada Qaranka

Hargeysa (HCTV) – Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis, Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo goor dhawayd Saxaafadda la hadlay ayaa ka dareen-celiyey hadal ka soo yeedhay Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka, Nuux Ismaaciil Taani.

Taliye Taani oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Miiska saraakiisha ee Magaalada Hargeysa ayaa eedaymo u jeediyey Kornayl Caarre oo Cadho kaga maqan Ciidammada qaranka isla-markaana Odayaal uu Suldaan Maxamed Xirsi Qani ka mid yahay ay dhexdhexaadin ka dhex wadeen isaga iyo Xukuumadda.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka jawaabaya hadalka Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa yidhi “Waxaanu dhegaysanay Wax War-saxaafadeed lagu sheegay oo uu jeediyey Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland, waanu fahmi waynay ama waanu garan waynay wuxuu uga jeeday, hadday dhaliili cid ku taallo Nuux bay ku taallaa, waxa laga hadlayo ee dhibaato ah ee dalka yaallaa waa Ciidammadii uu hanan kari waayay, hadday bari qabteen iyo hadday Buuraha joogaanba, Maanta ninkii hadli lahaa maaha Nuux, hadduu Qof yahay inuu is casilo ayaa ku habboon, qaabkuu u hadlayna ma ahayn qaab Qof bani-aadam ah oo Madax ahi u hadlo, nabadgalyada khatar bay ku ahayd, wax kasta oo la wadaba khatar bay ku ahayd.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay “Annaga wuxuu nagu sheegay niman meel taag-taagan, ma taagnin ee hawlihii aad dayacday baanu haynaa. Hadday Madaxweynaha hadalkaa isku ogyihiin way caddaan doontaa, haddii kalena Madaxweynahaa Tallaabo ka qaadi doona Malaha..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka