Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Calanka Puntland Ee Badhan La Sudhay

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si tadaxar leh uga hadlay Calanka Maamul-gobolleedka Puntland oo toddobaadkan laga taagay Degmada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.

Faysal oo Maanta Saxaafaddu waydiisay sababta uu u malaynayo inay Xukuumadda Somaliland uga hadli wayday Calanka Puntland ee laga taagay Degmada Badhan, ayaa sheegay in dhulka la kala leeyahay, sidaasi darteedna Degmada Badhan ay tahay Somaliland, calanka Puntland-na uu halkaa uga tagi doono si la mid ah sidii Calankii Buluugga ahaa ee Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dalkeenu socon maayo, Dalka waa la kala leeyahay, Badhan waa Somaliland, Puntland way iska tagi, Calankii weynaa ee soomaaliya sow iskamuu tagin, kana wuu iska tagayaa..”

Guuto ka mid ahayd Ciidammada Qaranka Somaliland oo deegaan ka soo jeeday Bariga Gobolka Sanaag isla-markaana fadhiisin ku lahaa degmada Badhan, ayaa Doraad sheegay inay u goosteen dhinaca Puntland, waxayna dejiyeen Calankii Somaliland ee xeradooda sudhnaa, waxayna saareen Calanka Maamul-gobolleedka Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka