Somaliland: Xukuumadda Oo Dhisaysa Dekedda Maydh

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dhisayso Dekedda Magaalada Maydh ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Maanta hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa ka warramay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaraddaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Qaboojiyeyaal ay gaadhsiiyeen Meelaha Xeebaha ay ka kalluumaystaan Dadka reer Somaliland.

Wasiirka Gaafaadhi oo ka hadlaya waxyaabaha u qorshaysan ee ay muddo gaaban ayaa yidhi “Dekeddii Maydh ayaa diyaar ah oo lacagteedii diyaar tahay oo laga bixinayaa sanduuqa SDF..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka