Milatariga Kenya Oo Mar Kale Burburiyey Shirkadda Ugu Weyn Isgaadhsiinta Somalia

Kismaayo, (HCTV) – Ciidamada difaaca dalka Kenya Defense ayaa lagu eedeeyey inay waxyeelo balaadhan u gaysteen shirkadda shirkadda Isgaadhsiinta ee ugu balaadhan Somalia in ka badan 12 jeer mudo ka yar laba sanadood.

Hormuud Telcom ayaa maalintii sabtidii soo saartay war-saxaafadeed ay ku eedaysanayaan ciidamada Difaaca Dalka Kenya inay duqeeyeen adeegyadii shirkadaasi ee ku yaalay Gobolka Gedo, iyagoo aan wax dambi ah gaysan.

War-saxaafadeedka shirkada ka soo baxay ayaa lagu eedeeyey sidoo kale Ciidamada Difaaca dalka Kenya inay dileen mid ka mid ah shaqaalahooda weerar sii horeeyey iyo inay dhaawacyo u gaysteen kuwo kale.

Wakhti xaadirkan shirkadu waxay ugu baaqaysaa Midawga Afrika, Qaramada Midoobay iyo AMISOM-ba inay soo faragaliyeen oo ay joojiyaan ciidamadan sida foosha xun u burburinaya aaminida beesha caalamka.

“Laba iyo toban jeer sanadkan, ayaya ciidamada Kenya burburiyeen Isgaadhsiintayadii magaalada Aws-Karun ee gobolka Gado ee Jubbaland. Weerarku waxa uu dhacay 22-kii August. Ciidamaduna waxay u adeegsadeen qalab xoogle burburinta qalabkaasi shirkadda, “ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka shirkadda, waxaana intaasi lagu daray.

Weerarkii hore, Ciidamada Difaaca Kenya waxa ay dileen mid ka mid ah shaqaalaha iyo oo dhaawacay kuwo kale. Ficilada sharcidarada ah ee ay samaynayaan ciidamada difaaca dalka Kenya waa dambiyo dagaal, oo lidi ku ah dedaalka beesha caalamku ay ku doonayso inay ku xasiliso Somalia,”

Weerarku waxa uu yimid maalmo ka aho markii ciidamada Kenya ay diyaarada Ethiopia ka xayireen inay soo cago-dhigato Madaarka Kismaayo, talaabadaas oo ahayd mid Istaraatajiyadeed oo dib u doorashada Axmed Madoobe ahayd.
Dawlada Federalka Somalia ayaa sidoo kale ka soo horjeedsatay guusha Axmed Madoobe, iyadoo ifdiimisay waxyaalo badan oo aan hagaagsanayn iyo ku shubasho. Waxaanu ku guulaystay 56 cod iyadoo codadka la dhiibtay ay ahaayeen 74.
Dawlada Somalia ayaa waxay ku dhawaaqday in aanay aqoonsanayn natiijada waxaana jiray xubno is-magacaabay maalintii khamiistii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.