Isreal Oo Duqaysay Fadhiisin Jabhad Falastiiniyiiin Ahi Ku Leedahay Lubnaan

Lebanon (HCTV) – Diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Isreal ayaa duqeeyay Kaamam Xooggaga Falastiiniyiintu ku leeyihiin Dalka Lebanon.

Goobaha ay Fadhiisimada ku leeyihiin Dagaalyahannada Ururrada Falastiiniyiinta ee ay duqeeyeen Ciidammada Cirka ee Isreal ayaa ku yaalla Lebonan, gaar ahaan Xuduudka ay wadaagaan Suuriya.

Goobta la duqeeyay ayaa ah taliska guud ee Jabhadda xorraynta Falastiinta, laakiin ma jiro wax khasaare dhaawac ah oo ka dhashay, sida uu ku warramay Wargeyska An-Nahar oo ka soo baxa Lebanon.

Masuul ka mid ah Jabhadaha Falastiiniyiinta oo ku sugan Tuulo Magaceedu yahay Qusaya ayaa sheegay inay duqaymahan oo dhacay Isniinta Maanta ay ka qayb-qaateen Saddex diyaaradood, laakiin khasaare ay geysteen wuxuu ku eg-yahay uun mid soo gaadhay qalabkii yaallay halka ay duqeeyeen.

“Diyaaradaha MK (Drons) ayaa beegsaday mid ka mid ah Afartayada Goobood, waxayna ku dhufteen saddex gantaal oo yaryar, wax dhimasho ama dhaawac ahina ma jiro, khasaaruhu wuxuu ku koobnaa qalabka..”ayuu yidhi

Ciidammada Isreal iyo Masuuliyiinta Lebanon ayaan weli ka hadal duqayntan, laakiin Kooxda xarunteeda la weerarray ayaa ah koox Mitidiin falastiiniyiin xidhiidh wanaagsan la leh Suuriya iyo IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka