Buulo-berde: Dagaal Culus Oo Dhex Maray Al-shabaab Iyo Ciidammada Dawladda/AMISOM

Buulo-barde (HCTV) – Dagaal culus ayaa Xalay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ee Dalka Soomaaliya ku dhex maray dagaalyahannada Al-shabaab, Ciidammada Dawladda iyo kuwa AMISOM isku dhinac ah.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo kooxda Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde, waxaana weerarkaa ka dib halkaa ka bilaabmay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa, kaasi oo socday in muddo ah.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inta uu leeg yahay, balse Saraakiisha Ciidammada Dawladda oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay si wanaagsan iskaga difaaceen Weerarka ay Al-shabaab ku soo qaadday, khasaarena gaadhsiiyeen.

Weerarka Al-shabaab ayaa la filayaa inuu jawaab u yahay Weerar culus oo Ciidammada Dawladda oo garabsanaya AMISOM ay kula wareegeen deegaanka Buurweyn oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Saldhig muhiim u ahaa.

Al-shabaab kama hadal weerarka ay ku qaadday Magaalada Buulo-berde ee Gobolka Hiiraan ee Dalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka