42 Shaqaale Ah Oo Laga Eryay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, ayaa maanta shaqada ka saaray Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada Adduunka ee ICAO ee ka hawl-geli jiray Madaarka Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 42 Xubnood.

Shaqaalahan ayaa hore loogu amray inay Is casilaadda u gudbiyaan  Hay’adda ICAO, maaddaama oo Mushaharkooda laga bixiyey Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Agaasimaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland, Maxamuud Ismaaciil Cilmi ayaa shaqaalaha lagaga dalbaday inay soo gudbiyaan Warqad ay iskaga casilayaan shaqada ICAO, laakiin ma keenin.

Warqadda Agaasimaha guud ee Duulista uu shaqaalaha kaga dalbanayo inay iska Casilaan shaqada ICAO ee ay ka hayaan Madaarka Cigaal ee Hargeysa, maaddaama oo Mushaharkooda laga bixiyo Muqdisho ayaa u qornayd “Tixraac Warqadda sumacaddeedu tahay XMG/01/44/07/2019, kuna taariikhaysan 09/07/2019, nuxurkeeduna yahay qofkii saxeexa Warqadda summadeedu tahay SCAA/1050/19 ee ka soo baxday Muqdisho inaanu ka soo shaqo geli doonin Hay’adda duulista iyo Madaarrada JSL.

Sidaa darteed, waxa mar labaad la idinku war-gelinayaa inaad soo qortaan warqad caddaynaysa inaydaan saxeexin warqaddaa ka soo baxday Muqdisho, ka hor 25/08/2019, Qofkii aan Warqaddaa keenin kama soo shaqo geli doono wixii ka dambeeya taariikhdaas aan soo sheegnay, waana inaad soo caddaysaan inaad diyaar u tihiin inaad u shaqaynaysaan hay’adda duulista iyo Madaarrada JSL..”

Dhallinyarada Shaqada laga joojiyey ayaa tiradooda tahay 42 Xubnood, waxaana hore Tababbaro u siisay Hay’adda ICAO.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka