Brazil Oo Diiday $22m Oo Looga Qaadhaamay Shirkii G7 Si Loo Bakhtiiyo Dabka Ka Holcaya Kaymaha Amazon

Biarritz, (HCTV) – Dawladda dalka Brazil ayaa sheegtay inay diiday kaalmo malaayiin dollar ah oo shirkii dalalka G7 ay u qaadhaameen si loola dagaalamo dabka ka colhaya kaymaha Amazon ee dalka Brazil.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay maalintii Isniintii intii lagu gudo jiray shirkii dalalka Warshadaha ku horumaray ee G7 ee ka qabsoomay magaalada Biarritz ee dalka Faransiiska in dalalka US, Japan, Germany, France, Italy, Britain iyo Canada – ay $22m ugu deeqeen si loola dagaalamo dabka halka dawladda Ingiriisku iyo Canada ay kaligeed ku deeqeen $12m iyo $11m oo gargaar ah.

Macron Waxa uu sheegay in lacagta hada diyaarka ahi ay taasi tahay balse Faransiisku uu gacan ka gaysanayo dhinaca milatariga oo bixinaya taageero milatari.

Saraakiisha Brazil ayaan iyagu bixin sabab dhab ah oo ku saabsan diidmada  qaadhaankaasi G7 ay ugu yabooheen, balse waxa la rumaysan yahay in Brazil ay quudhsatay ama yaraysatay lacagtaasi, waxaana Madaxweynaha dalka Brazill Jair Bolsonaro wuxuu cambaarayn xoogle uu dusha kagaga tuuray Madaxweynaha dalka Faransiiska.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.