Taliyihii Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa

Hargeysa (HCTV) – Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa Xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Faysal Xiis Cilmi

Sidaana waxa xaqiijiyey Faysal Xiis Cilmi oo hadda haya xilka Afhayeenka Taliyaha Booliska Somaliland.

“Xilka Boolisku waa meerto, in laga sheekeeyo maaha, Taliyaha Ciidammada Boolisku wuu i beddelay, waxa la ii beddelay Taliska Ciidanka Booliska.”ayuu yidhi, Faysal Xiis oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray inaanu ka tagin Shaqadii Booliska “Booliska kamaan tagin, Daacad baan u ahay, waan u shaqaynayaa Dadka iyo dalkaba.”

Gaashaanle Faysal Xiis wuxuu amaanay Taliyaha Booliska “Taliyaha Ciidammada Boolisku waa Nin wanaagsan, waa Nin Ummadda u shaqaynaya oo karti badan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu beeniyey inuu isagu leeyahay Facebook Magaciisu ku qoran yahay oo Maalmihii u dambeeyay lagu baahiyey Qoraallo aan wanaagsanayn “Anigu waxaan ahay Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, Afhayeenkii Taliyaha Booliska ayaan ahay, Anigu wax Facebook ah ma lihi, laakiin Magacayga waalla been abuurtay, waana been aan Sal iyo Raad-toona lahayn.”

Afhayeenku wuxuu codsaday “Waxaan codsanayaa inaad Facebook-gaa baa’biisaan, Waayo? Maaha in Qofka Sharaftiisa meel lagaga dhaco, waana fal-dambiyeed, Qofkii waxaa lagu qabtana waanu dacwaynaynaa oo Maxkamadda ayaanu u gudbinaynaa, waanan ka gudbiyey Dacwad..”ayuu yidhi

Afhayeenka Boolisku ma sheegin sababta looga qaaday Xilkii Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland, balse wuxuu Carrabka ku dhuftay in xilku meerto yahay.

Faysal Xiis ayaa xilka Taliyaha Ciidammada Taraafikada hayey muddo dheer.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka