Pakistan Oo Sheegtay Inay Hawadeeda Ka Xidhanayso Diyaaradaha India Ee Isticmaala

Islamabad, (HCTV) –  Wasiir ka tirsan dawlada Pakistan ayaa maanta sheegay in Raysal Wasaare Imran Khan uu ka fiirsanayo inuu gebi ahaanba xidho hawada Pakistan oo ay adeegsadaan diyaaradaha dalka Hindiya iyo sidoo kale xayiraado buuxda oo ku saabsan isticmaalka marinnada dhulka ee ganacsiga ay u galaan Afghanistan.

Fawad Hussain, wasiirka Sayniska iyo teknolojiyadda ee dalka Pakistan ayaa sheegay in tallaabada lagu soo jeediyay kulan golaha wasiirrada Pakistan ay yeesheen iyo qaababka sharciga ah ee go’aannadan loo qaadan karo.

Talaabadan dalka Pakistan uu sheegay inuu qaadanayo ayaa imanaya ka dib markii dhawaan dawlada India ay laashay heerkii is-xukun hoosaadka ee Kashmir qaybta ay India Maamusho iyo cadaadisyo bandoo ah oo India ay saartay shacabka Muslimka u badan ee degan Kashmir.

Pakistan ayaa gabi ahaanba hawada ka xidhatay dalka India bishii February ka dib markii ciidamada Cirka Indian weerar ay qaadeen ay ku dileen hogaamiyihii kooxda  Jeysh- Mohammed (JeM).

Bishii Meey 15keedii, Pakistan waxay xayirtay xayiraada hawadeeda ee duulimaadyada Hindiya illaa iyo May 30. Waxay si buuxda u furtay hawadeeda dhammaan duulimaadyada rayidka ahi si ay u isticmaalaan July 16.

Diyaaradda Hindiya, oo ayaa maalin kasta ilaa 50 duulimaad dul marta hawada Pakistan. Kuwani waa duullimaadyadaasi ay u safraan dalalka Maraykanka, Yurub iyo Bariga Dhexe.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.