Ciidamada Dawlada Yemen Oo Sheegay Inay Si Buuxda Gacanta Ugu Dhigeen Cadan

Cadan, (HCTV) – Ciidamo daacad u ah dawlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegay inay gacanta si buuxda ugu dhigeen maamulka magaalo dekedeeda Cadan, sida uu sheegay Wasiir ka tirsan dawladda Yemen, saddex todobaad ka dib markii ciidamo gooni u goosato ah oo ay taageerto Yemen ay qabsadeen.

Wasiirka Warfaafinta Moammar al-Eryani ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib u qabsadeen Madaarka Cadan, isla markaana ay ku hareeraysan yihiin meelo kale oo ay ka mid tahay Madaxtooyadu.

“Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Amaanku waxay si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Cadan, waxaanay dadweynaha kala kulmeen soo dhaweyn balaadhan,” sidaasi ayuu Wasiirku ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ku.

Dagaalkan u dhexeeya Ciidamada Madaxweyne Hadi iyo kooxda gooni u goosadka doonaya ayaa dagaal uu ku dhexmarayye magaalada Cadan mudooyinkii u dambeeyey, waxana labada dhinac ay xulafo la kala yihiin Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, waxaanay si wada jir ah ula dagaalamaan kooxda Xuutiyiinta oo iyadu gacanta ku haysa Waqooyiga dalkaasi Yemen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.