Ciidammada Lubnaan Oo Rasaaseeyay Diyaarado Isreal Leedahay

Lebanon (HCTV) – Ciidammada Lebanon ayaa Rasaaseeyay laba ka mid ah Saddex diyaaradaha Drones ah oo Dawladda Isreal leedahay, xilli ay ka gudbayeen Xuduudka laba Dal u dhexeeya, Arbacadii.

Ciidammada ayaa diyaaradaha ku riday Qoriga M16, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Lebanon, Michel Aoun ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in Waddankiisu uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco, ka dib markii diyaarad Drone ah oo Isreal leedahay Axaddii ku soo dhacday Duleedka Magaalada Beirut.

Rasaasaynta Ciidammada diyaaradaha Isreal ayaa ka dhacday Habeenkii Arbacada Tuulada Odeisseh oo u dhow Marjayoun isla-markaana saaran ama aad ugu dhow Xuduudka labada Dal ee Isreal iyo Lubanaan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dawladda Lubnaan.

Ciidammada Lubnaan ayaa sheegay in diyaaradaha Isreal ay dib ugu noqdeen Isreal, ka dib markii  la rasaaseeyay.

“Dhawaaqa Rasaasta ayaa laga maqlay Xuduudka Lubnaan, halkaas oo ku beegnayd halka drones-ka Isreal duulayeen..” ayaa lagu sheegay War ka soo baxay Ciidammada Lubnaan, kaasi oo intaa ku daraya “Diyaaradaha Isreal way joojiyeen Hawl-galkoodii, mana jiro wax khasaare ah oo rasaasaynta loo geystay sababtay..”

Ciidammada Isreal ayaa xaqiijiyey Warka Ciidammada Lubnaan ku sheegeen inay rasaaseeyeen Diyaaradahooda “Ciidammada Lubnaan ee joogay Degmada Al Adeesa ee Koonfurta Lubnaan waxay arkeen Diyaarad Drone ah, wayna rasaaseeyeen, dib ayayna ugu soo noqotay Isreal..” ayuu AFP u sheegay il-wareed Millateriga Isreal ka mid ah.

Rasaasaynta ayaa timid, ka dib markii diyaaradaha Isreal oo Maalmihii u dambeeyay hawl-gallo ka waday gudaha Suuriya ay ku soo xad-gudbeen Lubnaan dhowr jeer oo is xig-xigta, laakiin Warka ayaa sheegaya in arrimahani sii xoojinayaan Xiisadda ka taagan Gobolkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka