Somaliland: Shaqaalaha Dawladda Oo Fasax Noqonaya Sabtida Soo Socota (Akhri Sababta)

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in Shaqaalaha Dawladdu fasax yihiin Maalinta Sabtida ee soo socota, taasi oo ku beegan 31-ka bisha 8-aad, 2019.

War-saxaafadeed uu Maanta Guddoomiyuhu soo saaray oo soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable ayuu ku sheegay in Sabtida ay ku beegan tahay Curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1441-ka Higriyada, sidaasi darteed Shaqaalaha Dawladdu ay fasax yihiin.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka