Soomaaliya: Wasiir Sheegay In Xal Laga Gaadhay Khilaafkii Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo Afjaray khilaaf u dhexeeyay Dawladda Federaalka iyo Ahlu suna Wal-jamaaca, khilaafkaasi oo sababay inuu hakado Shir dib u heshiisiineed oo la doonayo in lagu qabto Degmada Dhuusa-mareeb.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dawladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in Shir muddo dheer qaatay oo ay la yeesheen Madaxda Ahlu Sunna Wal-jamaaca la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac.

Wasiirka oo Saxaafadda la hadlay Maanta ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Kulan muddo dheer socday k adib, waxaa la isku afgartay in inta dib loo noqday iyo halka ay waddadu ka qaldantay, waana la isku afgartay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Shirka dib u heshiisiintana khilaafkii maalmahan taagnaa ayaa saameyn ku yeeshay waxaanan rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu shirku u furmo” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu faahfaahiyey sababta loo qabanayo Shirka Dhuusa-mareeb “Shirkan micnihiisu maaha beel hebel ayaa Afar ruux naga dishay, beel hebel ayaa dhul naga heysata ee hanalooga qaado, laakiin shirku waa bilowga dhismaha maamulkii arrimahaa oo dhan xalin lahaa in beeluhu ku heshiiyaan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka