Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

UK Oo Digniin Amni U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Soomaaliya
Maraykanka Oo Bogaadiyey Heshiiska Dawlada Federalka Somalia Iyo Ahlusuna Waljamaaca
Shirka Labaad Ee Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Burco Ka Furmay
Somaliland oo Masaafurinaysa Dhakhaatiir Tirobadan oo Ajaanib ah.
Geed Lab Qaran: Maanso Baroor-diiq Ah

Abha (HCTV) – Gantaal ay Yemen ka soo rideen Kooxda Xuutiyiintu ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Abha ee Dalka Sucuudiga, Arbacadii Xalay.

Gantaalka oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee Xuutiyiintu la beegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaan sababin dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu ku warramay Wargeyska The National oo HCTV soo xiganayo.

Col Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada Yemen, ayaa sheegay in gantaalku uu Garoonka ku dhacay Xalay 11:30.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna xaqiijiyey inay Gantaal ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee Abha.

“Ficilladan socdaa waa Dambi dagaal..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xulafada oo Maanta hadlay

Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa isaguna sheegay inay Gantaalka la beegsadeen goob Madaarka Abha ka mid ah oo Diyaaradaha lagu xereeyo, hase-ahaatee ma sheegin inay bartilmaameedkoodii la heleen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: