Xoghayaha WADDANI Oo Niyad-jab Ka Muujiyey Xaaladda Waddooyinka Hargeysa (Akhriso)

Hargeysa (HCTV) – Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka dayriyey Xaaladda ay ku sugan yihiin Waddooyinka Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo badankooda uu burbur laxaad lihi ka muuqdo isla-markaana Shacabku dhibaato ku qabaan.

Xoghayaha WADDANI ayaa su’aal geliyey waxa Shacabka Somaliland ula dagaalameen Dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, haddii Waddooyinka Hargeysa qaarkood ay 30 sannadood ka hor ka wanaagsanaayeen sida ay hadda yihiin.

Khadar Xuseen Cabdi oo Toddobaadkii hore Saxaafaddu su’aal ka waydiisay Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook, kaasi oo uu kaga dayrinayey Xaaladda mid ka mid ah Waddooyinka Hargeysa, ayaa ku jawaabay sidan “Hargeysa inaad Waddooyin kala sheeg-sheegto uma baahnid, inta xuqood ee Adiga iyo gaadhigaaga ku gaadhaysa ayaa ku filan (Tusaale inaan in Waddooyinka Hargeysa burbursan yihiin)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waddada Xaafadda Siinay (ee aan Facebook-ga kaga hadlay) waxay i xasuus-gelisay 1988-kii intaanu Maxamed Siyaad Barre ka tagin Waddanka iyo Maanta, Waddadaasi Maalintaas ayay fiicnayd..”

Xoghayaha WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa su’aal geliyey sababta reer Somaliland ula dagaalameen Dawladda Siyaad Barre, haddii Waddooyinka Caasimadda Hargeysa burbursanaanayaan oo aan waxba laga qabaneynin “Waa inaynu Maskaxda galinaa maxaynu Dawladnimada u doonaynaa, Dawladnimadii aynu doonayney ee aynu lahayn Siyaad Barre aynu ka soo dhacsano maxaynu u doonayney, haddii Waddooyinkii qaar illaa Maanta Maalintuu isagu (Siyaad Barre) ka tagay ay ka wanaagsanaayeen..”?

Xoghayaha guud ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi wuxuu niyad-jab ka muujiyey Waddooyinka Hargeysa siday noqdaan Marka Roobabku da’aan “Hargeysa oo Roob helay Xaaladdeeda Idinkaa aad iiga og (Shacabka)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inuu mar ka hadli doono Arrimaha Dawladaha Hoose, maaddaama oo Waajibaadka Dawladaha Hoose ay  mid yihiin Dhismaha Waddooyinku “Arrimaha Dawladaha hoose mar baan jecelahay inaan si wanaagsan uga hadlo..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka