Wefdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyey Badhan

Badhan, (HCTV) – Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland Wasiirk  Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Weftigan Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa waxa socdaalkan ay ku yimaadeen Badhan ku wehelinaya xubno ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedkaasi Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Waxaana masuuliyiintan maamul goboleedka Puntland ka socota ku soo dhaweeyey magaalada Badhan masuuliyiin Puntland u jooga Badhan oo uu ka mid yahay duqa degmada Badhan, kaas oo tilmaamay inuu si diiran ugu soo dhaweynayo weftigan magaalada Badhan, isla markaana ay rajaynayaan in si fiican ay ugu hirgasho hawlaha iyo shaqada ay weftigani u yimaadeen Badhan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo isaguna soo dhaweyntiisii ka dib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha gobolka Sanaag, gudoomiyaha degmada Badhan, saraakiisha ciidanka, waxgaradka dhamaantiin aadbaanu idiinka mahadcelinaynaa sida sharafta leh ee aad noogu soo dhaweyseen weftigan ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee Puntland oo isugu jira Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dawladda.

Anaga safarkayagani waa safar shaqo oo aanu rabno hawlaha iyo masuuliyaadka aad haysaan inaanu idinla qaybsano, waxa Illaahay mahadiis ah in deegaankan uu dhawaan ka da’ay roobab inkasta oo aanu badayn, waxa ilaahay mahadiis ah in aanu soo aragnay maanta xareed dhulka jiifta, Illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu inoo badiyo deegaanada kalena inuu ku baahiyo guud ahaan dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag oo uu socdaal ku yimid maanta.

https://www.youtube.com/watch?v=pYe-lq5Pvws

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.