Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan Oo Madaarka Muqdisho Laga Qabtay

Muqdisho, (HCTV) – Ilo Wareedo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ku saabsan qabashada Wasiirka ayaa sheegay in bileyska aduunka ee INTERPOL loo yaqaano iyo hay’adda Sirdoonka Somalia ay ay xidheen Mr Janan xilli uu ka yimid Kismaayo, isla markaana uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa dahaha dambiyo la xidhiidha xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar qof oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Booliska Soomaaliya ayaa hore dambiyo ugu soo oogay, waxaana jiray amar Maxkamadeed oo soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad oo lagu soo oogay Mr Janan.

Balse bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baadhista Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.