Toogasho Ka Dhacday Maraykanka Oo Lagu Dilay 5 Qof, 21 Kalena Lagu Dhaawacay

USA (HCTV) – Shan Qof ayaa lagu dilay, 21 kalena way ku dhaawacmeen Toogasho ka dhacday Gobolka Texas, gelinkii dambe ee Sabtidii Shalay.

Nin hubaysan ayaa Rasaas ku furay dad joogay galbeedka Odessa iyo Midland oo ka mid ah Gobolka Texas, halkaana wuxuu ku dilay Shan Qof, waxaanu ku dhaawacay 21 kale, sida ay baahiyeen Warbaahinta Maraykanku.

Ninkan ayaa Xoog ama Afduub  ku kaxaystay Gaadhi ay leedahay Waaxda Boosaha ee Gobolka Texas, waxaanu ku dhex maray Magaalada Odessa, isagoon intaa Rasaas kala joojijayn.

Booliska oo Tilmaan ka bixiyey Shaqsiga uu yahay Ninka dhibaatada geystay ayaa sheegay inuu yahay nin Caddaan ah oo Da’da 30-ka ku jira, laakiin weli ma sheegin Magaciisa iyo sababta uu Weerarkan u geystay.

Ninkan oo aan Magaciisa weli la sheegin ayaa Boolisku toogasho ku dileen, ka dib weerarka uu geystay.

Weerarkan oo Dadka wax ku noqday ay Askar Boolis ahi ku jirto ayaa waxa cambaareeyay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka