Somaliland: Xukuumadda Oo Soo Saartay Awaamiir La Xidhiidha Safiirrada Beesha Caalamka

Hargeysa (HCTV) – Shir Golaha Wasiirrada Somaliland Maanta ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa laga soo saaray War-saxaafadeed lagu soo ururriyey Qodobbadii ka soo baxay.

Shirkan oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa laga soo saaray 5 Qodob, kuwaasi oo dhammaantood khuseeya danaha Somaliland, Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyo Arrimo kale oo la xidhiidha Safiirrada Beesha Caalamka ee Somaliland yimaadda, waxaana la dul-dhigay Safiirrada awaamiir la xidhiidha sida ay u dhaqmaan marka ay Somaliland joogaan.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,  safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’adaha UN-ka, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Somaliland.

Golaha Wasiiradu waxay is-dul taageen muhiimadda ay wadahadaladu u leeyihiin nabadgelyada mandaqada geeska Afrika iyo wada noolaanshaha labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kale waxay lafa-gureen heshiisyadii ka soo baxay wadahadaladii hore u dhexmaray labada dhinac ee ay dawladda Soomaaliya ka gaabisay hirgalintooda.

Waxaanay goluhu ka hadleen wada shaqaynta dawladda Somaliland iyo safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka, iyagoo bogaadiyey taageerada baaxadda weyn ee ay beesha caalamku Somaliland la barbartaagan tahay muddada 28-ka sanno ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, waxayna go’aamiyeen;

1)    In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2)    In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadallada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3)    In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4)    In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha  ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan  Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5)    Dhammaan qoraallada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.

Ugu danbayn waxay golaha wasiiradu ku dheeraadeen ahmiyada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo in ay doorashooyinku qabsoomaan..”

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.