Akhri: Somaliland Oo Ka Hadashay Mashruuc Muqdisho Lagu Saxeexay Oo Berbera Khuseeya

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, ayaa ka hadashay Mashruuc la doonayo in laga fuliyo Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera, kaasi oo dhawaan ay kala saxeexdeen Midowga Yurub iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in cid walba ogtahay inaan Dawladda Soomaaliya wax mashruuc ah ka fulin karin meel ka mid ah Somaliland, sidaasi darteedna Mashruuca lagu saxeexay Muqdisho ee la doonayo in laga fuliyo Berbera uu yahay wax aan suurto-galaynin.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran halkan Hoose ka Akhri

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka