Kenya: Dad Ajaanib Ku Jiro Oo Ku Dhintay Goob Loo Dalxiis Tago

Kenya (HCTV) – Waxa la xaqiijiyey inay Lix Qof ku Geeriyoodeen dalka Kenya, ka dib markii Daad ku qaaday Goobta loo Dalxiis tago ee loo yaqaano national park.

Paul Udoto oo ah Afhayeen u hadlay Hay’adda Duur-joogta ee Kenya ayaa xaqiijiyey Geerida Shan Qof oo u dhashay Kenya, Qof u dhashay Hindiya inay ku Geeriyoodeen Daadadka qaaday, maaddaama oo ay deegaanka ay ku taallo Goobta loo dalxiis tago ee Hell’s Gate National Park ay ka da’ayaan Roobab waaweyn Maalmihii u dambeeyay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Isniinta Maanta la helay Meydadka Lixda Ruux ee Daadadku qaadeen.

Geerida Lixdan Ruux ayaa Hell’s Gate National Park sheegtay inay ka xun tahay “Dhibbaneyaashu waa Shan Kenyan ah iyo Qof Ajaanib ah..” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Hell’s Gate National Park.

Xarunta loo Dal-xiis tago ayaa si ku meel-gaadh ah loo xidhay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka