Afrika: Laba Sarkaal Oo Lagu Xukumay Xadhig U Dhexeeya 10-20 Sano

Burkina Faso (HCTV) – Maxkamad Millateri oo ku taalla Dalka Burkina Faso ayaa Laba General oo Ciidammada dalkaasi ka mid ahaa ku xukuntay xadhig dheer, ka dib markii lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Afgambi dhicisoobay oo Dalkaa ka dhacay Sannadkii 2015kii.

General Gilbert Diendere ayaa Isniintii lagu xukumay 20 sanadood oo xadhig ah, waxaana lagu eedeeyay inuu amniga Dalka khatar geliyey, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AFP oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

General Djibrill Bassole, ayaa isaga lagu eedeeyay inuu ku kacay Khiyaamo Qaran, waxaana lagu xukumay 10 sanadood oo xabsi ah.

Xilligaa, waxa Afgambiga isku dayey Ciidammo daacad u ahaan jiray Madaxweynaha, balse uu beddelay Madaxweyne Blaise Compaore, waxaana isku daygaa ka dhashay Rabshado sababay inay dhintaan illaa 14 Qof, kuna dhaawacmaan 300 kale.

Diendere iyo Bassole ayaa ka mid ahaa Dad gaadhaya 84 Qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Isku dayga Afgambiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka