Raysal Wasaaraha Somalia Oo Socdaal Ku Tagay Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowladd gobaleedka Galmudug.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirro uu ku jiro Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Socdaalkan Raysal Wasaaraha ee Dhuusa-mareeb oo qayb ka ah qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug ayaa lagu doonayaa in lagu furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay kaga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.