Hay’adda Amnesty Oo Soo Dhaweysay Xadhiga Wasiirkii Amniga Jubbaland

Nairobi, (HCTV) – Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u doodda ee Amnistey international, ayaa soo dhawaysay xadhiga Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxaanay ku tilmaantay tallaabo wanaagsan oo hore loogu qaaday dhinaca isla xisaabtanka.

Amnesty, ayaa ku baaqday in baadhitaan daah furan lagu sameeyo dilalka iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee lagu eedeeyay sarkaalkaasi inuu ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, sida lagu xusay warbixin loo gudbiyay Golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Agaasime ku xigeenka bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Amnesty, Saif Magango oo maanta soo saartay bayaanka ay ku soo dhaweeyeen xadhiga Cabdirashiid Janan oo laba maalmood ka hor lagu qabtay madaarka Muqdisho, ayaa waxa uu yidhi “Xadhiga Cabdirashiid Janan waa talaabo muhiim ah ooh ore loogu qaaday isla xisaabtanka ku wajahan gaboodfalada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee ay galeen sanado badan shakhsiyaadka awooda badan ku leh Somalia.

Abdirashid Janan waxa ay ku eedaynaysaa kooxda la socodka dambiyada xunxun ee Qaramada Midoobay ee Somalia iyo Eritrea, dambiyaad oo ay ku jiraan dil, jidh dil, iyo xadhig sharci daro ah oo dhacay 2014 iyo 2015. Maamulku waa inuu sida ugu dhakhsaha badan u hor keenaa Maxkamada si uu u wajaho eedaha loo haysto,” ayuu yidhi Agaasime ku xigeenka Bariga Afrika ee hay’adda Amnesty Mr Saif Magango.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.