Taliban Iyo Maraykanka Oo Heshiis Gaadhay

Kabul, (HCTV) – Ergayga Maraykanka u qaabilsan wadahadalada Taliban ayaa shaaciyey macluumaadka qaybo ka mid ah heshiiska Maraykanka iyo kooxda Taliban ay gaadheen.

Waxaanu tilmaamay in Dawlada Maraykanka ay qorshaynayso in ay ciidamadeeda Afhganistan ku sugan ay kala baxdo shan saldhig, taas oo ah dalabka iyo shuruuda Taliban ay soo gudbisay ee heshiiska lagu gaadhay. Ergayga Maraykanka u hogaaminayey Wadahadalada kooxda Taliban ayaa sidaasi markii ugu horaysay ku cadeeyey faahfaahinta heshiiska.

Mr Zalmay Khalilzad, oo mudo sanad ah ku jiray la xaajoodka kooxda Taliban ayaa Isniintii maanta sheegay in ciidamada Maraykanku uu kala baxayo shantaasi saldhig ay ku qabsoomi doonto mudo afar bilood ah marka heshiiska kama dambaysta ah la meel mariyo.

“Waxaanu isku waafaqnay marka shuruudaha heshiiska la meel mariyo, in aanu shan saldhig ka saarno ciidamada 135 maalmood gudahood,” ayuu yidhi Khalilzad.

Waxaanu intaasi ku daray in heshiisyadani ay gaadheen markii ay kooxda Taliban ay kulano kula yeesheen caasimada dalka Qatar ee Doha, halkaas oo labada dhinac ee Maraykanka iyo Taliban kulano ay jilbaha is-dhigeen ay heshiisyo ku gaadheen.

Sidoo kale waxa uu Masuulkani sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani maalintii shalay oo uu tusay heshiiska qabyo qoraalka ah ee ay labada dhinac gaadheen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.