Madaxweynaha Somaliland Oo U Ambo-baxay Jabuuti

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Safar ugu ambo-baxay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland oo ay Safarkiisa ku wehelinayaan Xubno ka mid ah Golihiisa Xukuumadda ayaa waxa goor dhawayd ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo soo gaadhay HCTV ayaa si kooban loogaga hadlay ujeeddada Safarka Madaxweynaha “Ujeeddada safarka Madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.” ayaa lagu yidhi, Warka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa waxa Safarka ku wehelinaya Wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa qaadday Diyaaradda Air Jabuuti.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Muuse Biix Cabdi uu Safar ku tago Dalka Jabuuti, inta uu xilka Madaxweyninimo hayo.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka