Kenya Oo Doonaysa In Madaxweynaha Maxkamada ICJ Laga Reebo Dhageysiga Kiiska Badda

Nairobi, (HCTV) – Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga wajiga labaad ee dacwada Badda ee u dhaxaysa Kenya iyo Somalia laga saaro Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah Madaxweynaha Maxkamada ICJ, kaas oo asakiisu yahay Soomaali.

Dacwadan waxa Maxkamadda  u gudbiyay  Gudoomiyaha Madasha Pan Africa David Matsanga  waxaana uu doonayaa inuu muujiyo  in garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf  aanu sharci ahaan ku haboonayn inuu ka garnaqo kiisKa maxkamadda ka bilaaban doona sagaalka bishan.

Codsigiisa ayaa Matsanga waxaa uu ku sheegay in Garsooruhu uu meel kale kaga hadlay Kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo keeneysa Khilaaf dan ku saleysan maadaada uu garsooruhu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

“Natiijo aan dhex-dhexaad ahayn oo eex ah ayaa kiiska ka dhalan doonta” sida uu sheegay ninkan kiiska geeyay maxkamadda.

Dan ayaan ka leenahay kiiska maadaama ay ku lug leeyihiin dalal u dhashay Bariga iyo Geeska Africa” ayuu Matsanga ku sheegay qoraalka uu maxkamada geeyay, waxaanu intaasi ku daray  “Mudaawinka Soomaaliyeed qalbigiisu Soomaalida ayuu u dhow-yahay” ayuu  yiri waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in uu Cabdul Qawi meel ka  baxsan Maxkadda uu uga hadlay arrinta badda taasoo aan loo ogoleen  garoosrayaasha.

Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inaysan ka qayb gelin dhageysiga dacwadda haddii uu Cabdulqawi Axmed Yuusuf ka mid noqodo garsooreyaasha dacwadda dhageysanaya.

https://www.youtube.com/watch?v=b74jcdgERs8

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.