Maxkamada Maroodi-jeex Oo Amartay In La Xayiro Shabakada Hadhwanaag News

Hargeysa, (HCTV) – Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa amar xayiraad ah oo ay soo saartay ku amartay shirkadaha Isgaadhsiinta ee bixiya adeega Internet-ku inay xayiraan website-ka Hadhwanaag news.

Website-kan hadhwanaag oo ka mid ah Website-yada ugu caansan Somaliland ayay ciidamada Bileysku ay ka codsadeen Maxkamada inay Xayiraan kadib markii warar aan sal iyo raad toona lahayn laga baahiyey Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, sida lagu sheegay Warqada Amarka Xayiraada ee ka soo baxday Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex.

Amarkan xayiraadka website-ka Hadhwanaag ee ka soo baxay Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu sheegay in markii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay aragtay codiga ka yimid booliska ee ku taariikhaysna 03/03/2019 oo boolisku u soo gudbiyey Maxkamada Dacwada ka dhanka ah website-ka Hadhwanaag News oo ay sheegeen inay faafiyeen maqaalo iyo waraysiyo aan sal iyo raad toona lhayn oo ay ku dhaawacayaan sumcada iyo sharafta gudoomiyaha Baanka Dhexe JSL kaas oo ay ku tilmaameen inuu ku takri falay hanidii ummadda iyo in Madaxweynuhu siiyey boqolaal kun oo dollar, si uu ugu soo xero galiyo Kornayl Caare iyo Jabhadiisa isla markaana uu soo gacan galiyo xisbiga Kulmiye iyo reerkooda oo mucaarid u badan.” Sida lagu sheegay Warqada Amarka Xayiraada ee Maxkamada.

Waxaanay Maxkamadu ay sheeggtay in markay aragtay Asbaabtaas sare ku xusan dartood inay soo saartay amarkan.

  1. Waxay xayirtay website-ka Hadhwanaag News ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ilaa inta dacwada ka dhanka ah ee loo soo gudbinayo Maxkamadu go’aan ka soo baxayo.
  2. Waxaan ku amraynaa dhamaan shirkadaha bixiya Adeega internet-ka inay hawada ka saaraan website-kaas ilaa inta amar dambe ka soo baxayo maxkamada.
  3. Amarkani wuxuu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 03/09/2019.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.