IRAN Oo Siidayneysa 7 Ka Mid Ah Shaqaale Markab Sita Calanka UK

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa sheegtay inay go’aansatay inay siidayso 7 ka mid ah Shaqaalaha Markabka sita calanka Ingiriiska ee Stena Impero, kaasi oo ay Afduub ku haysato.

Iran ayaa sheegtay in 7 ka mid ah Shaqaalaha Markabka Stena Impero u siidaynayo Ujeeddooyin la xidhiidha Bani-aadamnimo, laakiin illaa hadda lama oga waxa ku dhici kara 16 kale oo Shaqaalaha Markabka ah oo xidhan, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa  Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa Faransiiska u bandhigtay inay danaynayso in Midowga Yurub, gaar ahaan Waddamadii saxeexay heshiiskii Nukliyeerka ee la wada gaadhay 2015-kii ay siiyaan 15 Billion oo Dollar, taasi oo IRAN ku soo hayn karta heshiiska Nukliyeerka oo ay dhawaan ku hanjabtay inay si iskeed ah uga baxayso, maaddaama oo Maraykanku ka baxay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka