NOW Oo Sheegay Inay Dacwad Ka Gudbiyeen Mid Ka Mid Ah TV-yada Dalka

Hargeysa, (HCTV) – Ururka haweenka ee NOW oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen telefishanka Horyaal oo baahiyey Barnaamij ka hadlaya hablaha qayila, sida ay hadalka u dhigeen.

Haweenkan ururka NOW ka tirsan oo sheegay inay aad uga xumaadeen Barnaamijkaasi ka baxay Horyaal TV oo ka mid ah telefishanada ka hawlgala Somaliland.

Afhayeenka ururka NOW marwo Samsam Maxamed Cige iyo xubno tiro badan oo ka mid ah ururkaasi ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan barnaamijkaasi, waxaanay tidhi “Dhacdadii dhacday ee maalmahan ee Telefishanka iyo baraha bulshada ku jirtay oo aan ahayn dhaqan ay Somaliland u leedahay iyo dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhami ay dhaqan u leeyihiin, oo diinta aan ku wanaagsanayn oo dhaqanka aan ku wanaagsanayn, dawladdnimada ku wanaagsanayn oo fajiciso nagu noqotay oo inta damiirka lihi ay aad uga damqadeen, hay’adihii dawliga ahaa ee aanu shalay soo wadamarnay ugu hambalyeynaynaa sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen ee ay gacanta noo siiyeen arinkayaga Maxkamada waanu u gudbinay, xeer-ilaalinta waanu u gudbinay, wasaarada Daakhiliga ayaanu u tagnay, Warfaafintaanu u tagnay, ka hadhi mayn,’ ayay tidhi Afhayeenka ururka NOW Marwo Samsam Maxamed Cige.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.