UCID Iyo WADDANI Oo Wada Qorshe Lagu Ridayo Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID ayaa qorshaynaya hab kuraasta looga kicin karo Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa oo wakhtigii ka dhamaaday isla-markaana muddo dheer si Sharci-darro ah u sii shaqeeya.

Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis iyo Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) oo Maanta si wada-jir ah ula hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay inay doonayaan inay 5 kun Qof saxeexaan Qoraal ay ku codsanayaan inay kuraasta banneeyaan Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa, maaddaama oo ay waxba ka qaban waayeen Bilic-xumada sii kordhaysa ee Hargeysa, codsigaana loo gudbin doono Maxkamadda.

Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI, Yoonis Axmed Yoonis oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Ramadaan illaa Maalintan aynu joogno Roobku wuu soo noqnoqdaa oo llaahay Raxmaadkiisa si wanaagsan ayuu ugu soo noqnoqdaa, laakiin waxaad mooddaa in Magaalada Hargeysa bilaa Maayar tahay, Dadweynaha Caasimadda waxaanu leenahay Hargeysa waa bilaa Maayar, markaan sidaa leeyahay waa wuu joogaaye waa Magac u yaal.”

Yoonis wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu doonaynaa in Shanta Degmo ee Caasimaddu nagala qayb-qaataan Codsi Golaha deegaanka ee Caasimadda lagaga tuurayo meesha, degmo walbana waxaanu ka doonaynaa kun Qof, 5 kun Qof haddaynu hello waxaynu iska tuuraynaa heeryada Dulmiga iyo Golahaa deegaanka ee aan Sharciga ahayn ee Caasimadda fadhiya..”ayuu yidhi.

Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdiqani Salaf (Kabtanka) ayaa isaguna yidhi “Hargeysa waa Magaalada ugu qashinka badan Magaalooyinka Somaliland, Roobku markuu da’o meel kasta Qashin baa xidha, Waddooyinkii suuqa waxa fadhiya dhiidhi iyo biyo Bakteeriyo ka buuxdo..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka