Mid Ka Mid Ah Wiishashka Dekeda Berbera Oo Dab Qabsaday

Berbera, (HCTV) – Mid ka mid ah Wiishashka dekeda Berbera oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu xadhiga ka jaray ayaa dab ka kacay kaas oo uu soo gaadhsiiyey khasaare, sida uu sheegay Maarreeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo u waramay Telefishanka HCTV.

“Runtii dabkaasi wuxuu ka bilaabmay meel uu wiishku  yaalay ama uu ku Baarking garaysnaa, Wiishkani shaqada kumuu jirin, inkastoo baadhistu socoto oo ay dambayso, wiishkaasi dabka qabsaday waxaanu filaynaa inay tahay shoodh.

Dabkiina waanu bakhtiinay balse khasaare  farabadan ayuu gaadhsiiyey wiishkaa,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo khadka Telefoonka ugu waramay maanta Telefishanka HCTV.

Maareeyaha dekeda Berbera waxa kale oo uu intaasi u daray in khasaaraha dabkaasi uu gaadhsiiyey wiishka ay tahay khasaare laga xumaado balse aan qadarka marna la baajin karin.

“Walaahi runtii waa khasaare laga xumaado laakiin qadarka lama baajin karo, laakiin dabku isaga ayuu ku kooban yahay, wixii u dhawaa waanu ka qaadnay, isagana waanu bakhtiinay inkastoo aanu qiimayn doono hadhow khasaaruhu inta uu leegyahay, gubashadaasina way dhacday, baadhistuna hada ayay bilaabmi doontaa insha allaahu.” Ayuu yidhi Maareeyaha dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi.

https://www.youtube.com/watch?v=Ld33aVfvQw8

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.