Wiil Uu Dhalay Maxamed Mursi Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Geeriyooday

Qaahira, (HCTV) – Wiilka ugu yar caruurtii uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa lagu waramayaa inuu wadna xanuun ugu geeriyooday cusbitaalka magaalada Qaahir ee dalka Masar.

Cabdilaahi Maxamed Mursi oo ku jira da’da labaatameeyada ayaa maalintii Arbacadii la dhigay cusbitaal ku yaala Giza oo ku taala koonfurta caasimada dalka Masar ee Qaahira, siday wararku sheegayaan.

Balse ilaa iyo hada ma jirto cid ka tirsan qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo faahfaahin ka bixiyey dhimashada wiilkaasi.

Maxamed Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, kaas oo geeriyooday 17-kii bishii June ee sanadkan isaga oo taagan Maxkamad oo la horkeenay.

Kadib markii sanadkii 2013-kii Milatariga uu hogaaminayey Madaxweynaha hada ee Abdel-Fattah Asiisi uu talada dalkaasi ka tuuray dawladii Madaxweyne Maxamed Mursi.

Dhawr ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee dalka Masar ayaa sheegaya in dhimashada Cabdulahi Mursi aanay jirin wax looga shakiyo inuu dambiyo galay balse waxa la sheegayaa inuu xaalado caafimaad daro ay kala soo daristay dhimashadii degdega ahayd ee Aabihii.

Wiilka labaad ee Mursi oo la yidhaa Axmed, ayaa sheegay in walaalkiisa ka yar Cabdulahi uu gaadhigiisa waday markii si kadis ah loogu soo booday sidaa darteednay ay ula carareen cusbitaalka oo ay dhakhaatiirtu sheegeen inaan xaaladiisa la soo celin karin.

Waxaanu aakhirkii Cabdullahi Maxamed Mursi uu ku geeriyooday cusbitaalka isagoo u geeriyooday wadna Xanuun, sida wakaalada Wararka ee Anadolu uu u xaqiijiyey Axmed Mursi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.