Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadiyey Guusha Xulka Kubadda Cagta Somalia

Jibuuti, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe.

“Waxaad sharaf u soo hoyseen dalkiinna iyo dadkiina, waxaana idiin  rajeynayaa inaad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” ayuu  yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Cayaartan ayaa qeyb ka ah ciyaaraha isreebreeb ah ee loogu diyaar garoobayo cayaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2022 ka dhici dalka Qatar, waxaana ay labada kooxood Soomaaliya iyo Zimbabwe ku wada cayaareen dalka Jabuuti.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.