Maxkamadda ICJ Oo Dib U Dhigtay Dhagaysiga Dacwadda Badda Ee Somalia Iyo Kenya

Hague, (HCTV) – Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa mudo laba bilood ah dib u dhigtay dhagaysiga dacwada muranka badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya oo ah laba dal oo jaar ah.

Talaabadan dib u dhigista ee Maxkamada Dambiyada ee Caalamiga ah ee ICJ ay ku dhawaaqday dib u dhiga dhagaysiga dacwada Badda ee u dhaxaysa Kenya iyo Somalia ayaa la sheegay in dib u dhigistaasi ay ka codsatay dawladda Kenya.

Sida uu qaar ka mid ah Warbaahinta uu u xaqiijiyey Safiirka Somalia u fadhiya Midawga Yurub.

Waxaanu qorshaha hore ee dhagaysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya uu ahaa in la dhagaysto 9 bishan September, hase yeeshee waxa ay Maxkamada ICJ ay go’aamisay in dacwadaasi ay mudo laba bilood ah dib loo dhigay isla markaana la dhagaysan doono horaanta bisha November.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.