Midawga Afrika Oo Somalia Iyo Kenya Ugu Baaqay Xal Waara Inay Ka Gaadhaan Khilaafka Badda

Addis Ababa, (HCTV)  – Midawga Afrika ayaa baaq adag u diray dalalka Somalia iyo Kenya, waxaanay ku booriyeen labadan dale e jaarka ah inay xal waara ka gaadhaan khilaafka xadka badda ee u dhexeeya.

KulanKii ugu dambeeyey ee ay maalintii khamiistii AY yeesheen Golaha Amaanka iyo Nabada ee Midawga Afrika oo xubno ay ka yihiin 55-dal ayaa lagu soo qaaday khilaafka labada dal ee jaarka ah eek u yaala bariga Afrika, waxaanu kulankaasi oo ka dhacay xarunta guud ee Midawga Afrika ay ku leeyihiin Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen maanta oo Jimce ah.

Waxaanu goluhu uu ku booriyey dhinacyadu inay ka fogaadaan talaabo kasta oo halis galin karta jiritaanka jaar wanaaga ka dhexeeya labada dal.

Kenya iyo Somalia ayaa khilaafkan dhinaca baddu uu u dhexeeyey sanado badan, kuwaas oo khilaafkoodu la xidhiidho jeedinta xadka badda oo mid waliba uu dhinac iska taagay.

Hase yeeshee Somalia ayaa murankan badda u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada sanadkii 2014-kii. Waxaanay dawlada Kenya ay dhinaceeda ku dooday in labada dal ay sanadkii 2009-kii ay heshiis ka gaadheen, kaas oo ahaa in muranka lagu xaliyo ama loo maro wadaxaajood.

Dhawaaqan ka soo yeedhay golaha amaanka iyo nabada Midawga Afrika ayaa ku soo beegmaya xili Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay dhagaysiga kiiska muranka badda ee Kenya iyo Somalia oo qorshuhu ahaa in la dhagaysto bishan September 9-keeda, balse dib loogu dhigay ilaa horaanta bisha November.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.