Shacabka Zimbabwe Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Geerida Madaxweynahoodii

Bulawayo, (HCTV) – Dadka ku dhaqan dalka Zimbabwe ayaa siyaabo kala gadisan uga hadlay dhimashada Madaxweynahoodii hore Robert Mugabe oo mudo aad u dheer ka talinaayey dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa dalkaasi xukumayey tan 1980 ilaa iyo markii xukunta laga tuuray afgambi bishii November 2017.

Ernet Sibanda ayaa geerida Madaxweynahooda kaga falceliyey “Madaxweynahayagii ayaa dhintay,” kadib markii uu ku warhelay warka sheegaya inuu geeriyooday Madaxweynihii mudada dheer ka talinayey dalkooda ee Robert Mugabe kaas oo xaalad caafimaad darteed daweyn ugu baxay dalka Singapore oo uu ku geeriyooday.

“Ilaa iyo hadda waa madaxweyahayaga, balse waxaan dareemayaa dareen isku dhafan, waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee dalka waxaan garanayaa tan iyo markii aan dhashay, waxaanan ku garaadaystay xukuntiisa foosha xun iyo waxyaalaha uu dalku u marayo isaga dartii,” sidaasi waxa isna yidhi 35 jir sawirqaade ah.

Emmerson Mnangagwa oo ay isbahaysi mudo dheer ahaayeen ayaa xilka kala wareegay Mugabe isaga oo mahadiyey milatariga.

Xisbiga ZANU-PF, oo hogaaminayey dhaqdhaqaaqyadii lagaga soo horjeeday dawladii gumaysiga cadaanka ahaa, ayaa Mugabe ka xayuubiyey hogaaminta waxaanay ku sameeyeen xil ka qaadi iyaga oo ku khasbay inuu is casilo.

Dadka caadiga ahina waxa ay wakhti xaadirkan ka bixiyeen fikradahaasi kala duwan hogaamiyihii taariikhdooda hogaamineed ugu suntanaa 40-ka sanadood ee geeriyooday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.