SOLJA Oo War Ka Soo Saartay Xayiraadda Telefiishanka Horyaal

Hargeysa (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay Xadhigga Dawladdu kula kacday Telefiishanka Horyaal Tv, kaasi oo lagu eedeeyay inuu baahiyey Barnaamij aan dhaqan ahaan wanaagsanayn.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa u qornaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland isagoo ka duulaya Dastuurka Qaranka Somaliland, Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka SOLJA marnaba ma taageerayo wax kasta oo wax u dhimaya shareecada islaamka iyo Dhaqanka suuban ee reer Somaliland.

Ururka SOLJA, waxa uu si adag uga hawl-galay joojinta barnaamijkii telefishanka Horyaal sii daayay xayaysiiskii uu hordhaca uga dhigay, kaasoo ay bulshada reer Somaliland u aragtay mid xad-gudub ku ahaa Haweenka Somaliland.

Sidoo kale, ururka waxa uu maanulka Telefishanka ka dalbaday in uu raaligalin ka bixiyo barnaanijkaasi maaddaama xeerka Saxaafadda Somaliland ku waajibinayo warbaahinta Somaliland wixii khalad ah ee ka dhaca inay ka garaabaan oo saxaan.

Ururka SOLJA, waxa kala shaqeeyay hay’addaha Qaranka ee dhacdadani khusayso sida Diinta iyo Aw-qaafta iyo Booliiskaba sidii loo soo af-jari lahaa arrintan ee cidda ay khusayso looga xisaabtami lahaa.

Hase-yeeshee, waxa aanu ururku SOLJA marnaba Aqbali karin in Hay’ad warbaahineed Xukuumaddu iska xidho iyadoon laga Garsoorin dhacdada lagu eedaynayo warbaahintaasi oo aanu xukun kama danbays ahi ka soo bixin.

SOLJA, waxay mar walba u maraysaa difaaca suxufiyiinta iyo hay’addaha warbaahinta nimaadka sharciga ah iyo talaabo kasta oo loo arko in lagu xalin karo gefka laga tirsanayo suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda kula talinayaa in ay ka dheeraato talaabo kasta oo ay u qaado nidaam aan sharci ahayn, isla-markaana ku fuliso awood aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaala.

SOLJA, waxay hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawl gala ba ugu baaqaysaa inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya sharafta, karaamada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, si aanay ugu mutaysan ciqaabta ka dhalan karta dhibaatada ay baahintoodu samayso..”

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha SOLJA