“Xadka Somaliland Wuxuu Boosaaso U Jiraa 15KM, Qardho 7KM, Garoowe-Na 5KM..” Millateriga Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Miiska Saraakiisha wuxuu kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyaha Ciidammada Puntland.

Taliyaha Ciidammada Puntland ayaa isagoo ku sugan Degmada Badhan wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacan-saar la leedahay Kooxda Al-shabaab, laakiin Abbaanduulaha Ciidammada Millateriga Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo hadalkaa daba socda ayaa yidhi “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan, taa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin..”

Abbaanduulaha oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu sheegay “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos  u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isla-markaana uu ka jawaabay hadal uu Taliyaha Ciidanka Puntland ku sheegay in Badhan tahay Caasimadda labaad ee Puntland, “Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, Maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka