Ruushka Iyo Ukraine Oo Maxaabiis Is-dhaafsaday

Kiev/Moscow, (HCTV) – Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa is-dhaafsaday 35 maxbuus dhisac kasta oo labada dal ah, waxaana la tilmaamay in talaabadani ay tahay mid muhiim ah oo ay hore u qaadeen oo ku wajahan xiisada ka taagan bariga ee labada dal u dhaxaysa.

Diyaarado siday Maxaabiista Russianka ah iyo kuwa Ukrainians-ka ah ee la isdhaafsaday ayaa ka kala degay Moscowiyo Kiev madaaro ku yaala maanta oo Sabti ah.

Madaxweynaha dalka Ukrain President Volodymyr Zelensky ayaa maxaabiistan la is-weydaarsaday ku tilmaamay talaabadii ugu horaysay ee dhina fiican loo qaaday ee lagu soo afjarayo dagaalka bariga Ukrain ka taagan iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dhulka laga qabsaday.

“Waxaanu qaadnay talaabadii ugu horaysay,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Ukraine xili uu Maxaabiista dalkiisa uu ku gacan qaadayey caasimada dalkaasi ee Kiev, waxaanu intaasi ku daray “waxaanu talaabo horusocod leh aanu u qaadnay sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka foosha xun.” Ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Ukrain.

Maxaabiistan labada dal ay is-dhaafsadeen ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey tan iyo sanadkii 2017-kii oo wadaxaajood uu labada dhinac dhexmaray.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.