Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

Dhuusa-Mareeb, (HCTV) – Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan furitaanka Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee lagu qabtay Dhuusa-Mareeb.

Waxaanay muhimadda geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay in ay tahay tallaabo muhiim u ah qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedka Galmudug.

Dalalkan iyo ururada la shaqeeya Somalia ee soo dhaweeyey shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxa ka mid ah Hawlgalka Midawga Afrika ee Somalia ee (AMISOM), Denmark, Ethiopia, Midawga Yurub (EU), Germany, Urur Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska, Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa gaar ahaana xafiiska hawlgalka Somalia ee (UNSOM),  iyo Maraykanka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yidhi Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadalada Galmudug in ay noqdaan kuwa midho dhalo, iyo in Shirku uu asaas u yahay dowlad mideysan oo xasilloon oo ka jirta Galmudug.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.