Trump Oo Joojiyey Wadahadaladii Nabada Ee Taliban

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyey Wadahadaladii uu la lahaa hogaamiyeyaasha Talibanka dalka Afghanistan kadib markii kooxdaasi ay sheegatay inay ka dambaysay weerarkii ka dhacay Kabul ee lagu dilay Askariga Maraykanka ah laguna dhaawacay 11 qof oo kale.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaaqan ka sheegay bartiisa Twitter-ka, waxaanu tilmaamay in la joojiyey wadaxaajoodkii nabada iyo kulan qarsoodi ahaa oo hogaamiyeyaasha Taliban ay kula kulmi lahaayeen xayndaabka Camp David ee Maryland. Trump waxa uu sidoo kale sheegay inuu qorshaysnaa kulan uu kula kulmayey Madaxweynaha dalka Afghanistan.

“Hadii aanay nagu waafaqin xabadjoojin inta lagu gudo jiro wadahadalada nabada ee aadka muhiimka u ah, oo ay xataa dileen 12 qof oo aan waxba galabsan, maba haystaan awooda wadaxaajood heshiis macno samaynayaa uu ka soo baxayo,” sidaasi ayuu Madaxweyne Trump uu Twitter-ka ku soo qoray isagoo intaasi u daray “awood beena ayaa la dhisayaa”.

“Waxaan si degdeg ah u joojiyey kulanadii iyo baaqyadii wadaxaajoodka nabada. Dad noocee ah ayaa laaya dad aad u tiro badan si ay ugu muuqato inay xoojinayaan booskooda gorgortanka?” ayuu yidhi Trump.

Ma cada in si cad uu si dhab ah ugu istaagi doono wadahadalada Maraykanka iyo Taliban oo si rasmi ah uu u istaago iyo in ay hakin tahay uun.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.